hooyooy jabuutaay
hoygii afrikaay
midaan hurayneey
aan u hamuumaay
hanaqiyo beerkaay
hibashadiisaay
nafta hagar baxeedaay
haqabtira jabuutaay
hawshaada kama hadho
halgankaaga kama lado
hirka dhexe hawada sare
hawraarta maansada
adaan kuugu heesaa
haqabtira jabuutaay
hooy lagu nastiyo
hibo eebe keenaay
hogol noo da,diyo
raxmad aan hadhayn
ha hasaamin abid
hore su soco abid
halyeeyaa ku jecele
u hiili dadkaaga

hooyooy jabuutaay
halbawlaad ku taalaa
loo wada hanwayn yee
dunidu wada hiigsanayee
hadhac ubadkaa
haaheey koriyaay
onkod iyo hilaaceey
hogaankii gobaadeey
nacab kuma haleelo
cadow kuma horjoogsado
walee wiil halgaadiyo
agardaamo kula rabo
halkuu galo kama hadho
heshiis lama ahaadoo
hoy lagu nastio
hibo eebe keenaay
hogol noo da,diyo
raxmad aan hadhaynneey
ha habsaamin abid
hore usoco jabuutaay
halyeeyaa ku jecele
u hiili dadkaaga

Exit mobile version