hibaaq nuraay naftaada
inan hanto waan jeclaaye
inaad tahay himaladayda
huqdaaduba way dareentay

hadaa dumar eryadaday
asluub hodanoo wanaagsan
qurux hamigayga deeqa
hadal aan aadmiga dhimayn

hidaha dhaqankeena fiican
adaa u hodoo ku faana
hugiisa adaa daryeela
dharaar qudha oo hankagu
soomali hoos u dhaafin

runtii hooyad ka raacday
adiga hantidaada weeye
hibaaq sharaftiyo akhlaaqda
hoygaad ku korta samaan leh

hadaan dumar eeyo duunka
halkuu dagi lahaa jacaylku
nafta adi ku hibeeyay
hareeraha ubax ka beerta

hidaha dhaqankeena fiican
adaa u hodoo ku faana
hugiisa adaa daryeela
dharaar qudha oo hankagu
soomali hoos u dhaafin

Exit mobile version