VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hubqaad - Lyrics

Heelooy heloy Heelooy heloy heli heli waa Inanyahay hubqaadkaada ka helay Inanyahay haankaagaan ubagay Dhaqankii hiddahii baad heesataa Hooyadaan macaan kugu soo habtayee Maryanee hanaankaagaa ubogay Maryanee hubqaadkaaga ka helay Wiil haybad lahoow kugu haboon Habka iyo dhaqanka iyo hiliilka wacan Aroos kuu habeeyo hooy kuu camiray Allaylahee waad hantiday Annaguna docadu hoob ku niri hooygaaga saylac hakaaga dhigo Geed carac qaboo leh Aamiin Hoskiiska lagu dago Aamin Hooygaagu kuu noqay aamiin Anaguna docada hoobaan ku niri Heelooy heloy heli heli waa Halkaan aanu joogno Ilaa qandala/carmo inanyahahay halmbaylo baa kaaga timit Halkaan aanu joogno Ilaa ceel buur inanyahahay hambalyaa kaaga timid Dhaqankii hiddahii baad heesataa Hooyadaa macaan kugu soo habtayee Quraxay hibaaqay ubax hiree Arooskaadani waa la isku helay Habaryaray iyo eedo intii aadan hurin Inanyahay hortaada tubanyihiin Hablo quraxsanoo labis heersaro Inanyahay aday kuu heelanyihiin Maryanee hanaankaaga ubogay Maryanee hubqaadkaaga ka helay Wiil haybad lahoow kugu haboon Habka iyo dhaqanka iyo hilidka wacan Aroos kuu habeeyo hooy kuu camiray Allaylahee waad hantiday Heelooy heloy heli heli waa Halkaan aanu joogno Ilaa qandala/carmo inanyahahay halmbaylo baa kaaga timit Halkaan aanu joogno Ilaa ceel buur inanyahahay hambalyo baa kaaga timit Dhaqankii hidahii baa heesataa Hooyadaa macaan kugu soo habtay
Queue is empty
-- / --