VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hubqaad mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Awaale Aden
Hubqaad

Heelooy heloy

Heelooy heloy heli heli waa

Inanyahay hubqaadkaada ka helay
Inanyahay haankaagaan ubagay

Dhaqankii hiddahii baad heesataa
Hooyadaan macaan kugu soo habtayee

Maryanee hanaankaagaa ubogay
Maryanee hubqaadkaaga ka helay

Wiil haybad lahoow kugu haboon
Habka iyo dhaqanka iyo hiliilka wacan
Aroos kuu habeeyo hooy kuu camiray
Allaylahee waad hantiday

Annaguna docadu hoob ku niri
hooygaaga saylac hakaaga dhigo
Geed carac qaboo leh Aamiin
Hoskiiska lagu dago Aamin
Hooygaagu kuu noqay aamiin
Anaguna docada hoobaan ku niri

Heelooy heloy heli heli waa

Halkaan aanu joogno Ilaa qandala/carmo
inanyahahay halmbaylo baa kaaga timit

Halkaan aanu joogno Ilaa ceel buur
inanyahahay hambalyaa kaaga timid

Dhaqankii hiddahii baad heesataa
Hooyadaa macaan kugu soo habtayee

Quraxay hibaaqay ubax hiree
Arooskaadani waa la isku helay
Habaryaray iyo eedo intii aadan hurin
Inanyahay hortaada tubanyihiin
Hablo quraxsanoo labis heersaro
Inanyahay aday kuu heelanyihiin

Maryanee hanaankaaga ubogay
Maryanee hubqaadkaaga ka helay

Wiil haybad lahoow kugu haboon
Habka iyo dhaqanka iyo hilidka wacan
Aroos kuu habeeyo hooy kuu camiray
Allaylahee waad hantiday

Heelooy heloy heli heli waa

Halkaan aanu joogno Ilaa qandala/carmo
inanyahahay halmbaylo baa kaaga timit

Halkaan aanu joogno Ilaa ceel buur
inanyahahay hambalyo baa kaaga timit

Dhaqankii hidahii baa heesataa
Hooyadaa macaan kugu soo habtay

codkii Awaale Aden