afarbaan kugu doorta ooridaydaay
ilayn waa ma huraan
aqligaan kugu doortay
asluub waa diinta badhkeede
edebtaan kugu doortay

sidaad ii garab joogtee
ii kabtaan kugu doortay
ooridaydaay ooridaydaay

aynigaa raga jooga
adigaa u horeeya
isir aan garanaayiyo
abtirkaan kugu doortay

umad weeyi dadkeenu
inba meel ku aroorta
isir aan garanaayiyo
abtirkaan kugu doortay

afarbaan kugu raacay
arbahaygoow arbahaygoow
odhaahdaada macaane
aadanbaan kugu raacay
karti EEBE ku siiyiyo
aqoontaan kugu raacay

sidaad ii ixtiraamtaan
kugu siiyay arwaaxda
cawaalahaygow arabahaygow

Exit mobile version