Hillaac meel ka bidhaama
Boqol reer ka shisheeya
Biyihiisiyo roobku
Kuma oon bixiyaane 2x

Baahidaa kalgacaylka
Anigoo ubuseelay
Baal haddaad iga dhaaftay
Ood baxnaano illowday 3x

Qof bogaadsha naftayda
Dhibiyo baylah udiida
Boqrataan helayaayoo
Waan ka beegsanayaaye
Kabax maanka kabax maanka

Kabax maanka bislaaday
Eed bukaanka ku reebtay
Kabax maanka

Sheekadaynu bilownay
Kalgacaylka ku beernay
Mana baylihiyeene
Ballantaan dhigannaaba
Haddii aad ka baxayso
Badankaygiyo jiirka
Bartii aad kaga taalli
Alloow yaa bir ku gooya
Waan bogsooni lahaaa

Dumar waa badan yihiine
Mid bidhaantiyo muuqa
Bilicdeeda layaaboo
Waan ka beegsanayaaye
Kabax maanka

Kabax maanka bislaaday
Eed bukaanka ku reebtay
Kabax maanka

Exit mobile version