Ku baafshay baafshay
Ku baadi goobay
barada diidooo
Bistay ahaadee
Bartaad ku nooshahay
Usoo baqoolay
Intaan bukooday
bastayda ahaaday

Jaceylka beegtay beerka
Jirkii ku beeray boogta
Dhiigii ku baahay
Adiga igu beeray buuqa

Bidhaan wanaagay
Cilaac baxaayee
Biligta roobta
hadmaan ibaanin
Naftaa basaasay baadiyoobday
Hurda ma bogtoo
Barkinta huftoo
Naftayda baxsan
Anaa badbaadin
Mise bisbaasaay
Basraay ku dhaafin

Jaceylkan biiray biiray
Bogaygayga taabtay biiray
Dareemo buuxshay
Aday igu beeray buuqa
Bishaaradaydaay barwaaqadayda
Barwaaqadayda bilis qurxoonay
Naftaa basaasay baadiyoobday
Hurda ma bogtoo
Barkinta huftoo
Naftayda baxsan
Anaa badbaadin
Mise bisbaasaay
Basraay ku dhaafin

Ku baafshay baafshay
Ku baadi goobay
barada diidooo
Bistay ahaadee
Bartaad ku nooshahay
Usoo baqoolay
Intaan bukooday
bastayda ahaaday
Bishaaradaydaay barwaaqadayda
Barwaaqadayda bilis qurxoonay
Naftaa basaasay baadiyoobday
Hurda ma bogtoo
Barkinta huftoo
Naftayda baxsan
Anaa badbaadin
Mise bisbaasaay
Basraay ku dhaafin

Exit mobile version