Leyla leyla leylaaay
Ano aramida lurkeedaa
Anoo layaabin dhibteedaa
Markaan kula labay haween
Malaastay hadimadiisa

Midaan caashaqa la’luulay
Markey laxawgii dareentay
Lugooyo ma igu beertay
Igu beertay lugooyoo

Haddi aan islayaabin beenaa
Ulaab kacay warkeeda
Wixii ihelaa layaabay, layaabay
Wixii ihelaa layaabay.

PAGE 2

Anoo sheekada lafteeda
Wali aan baran lurkeeda
Intaan laasimay haween
Ma uloodin waaxyaheygaa

Yartuu dooqu igu liilshay
Kolkii aan libiqsi raacay
Lugooyo ma igu beertay
Igu beertay, lugooyoo

Haddi aan islayaabin beenaa
Ulaab kacay warkeeda
Wixii ihelaa layaabay, layaabay
Wixii ihelaa layaabay

Exit mobile version