Dihashadaa cadcadeediyo, Xidigtii dagaaraay
Dooggiyo caleentiyo, Dhirta ubax dilaacaay,
Jeegaan is dadabtaay, Hilaacii daruurtaay,
Daadka roob da’aayaay, Dayaxoo habeenkii,
Iska rogay daboolkaay, x2

Biyo dahab la moodyeey, Dirkii Xuural Cayntaay,
Da’daa waxaad u sidataa, Dhaqankiyo dadnimadoo,
Waxaad dumarka dheertahay, Dan wanaagsanaantiyo,
Dabcigiyo xishoodkee, x2

Mahdiyaay ku doortee, Jacaylkaagu waa deeq
Mahdiyaay i deeqdee, Marwo lagu degaa tahay
Mahdiyaay Munaay danteydaay, Da’daad ii xambaartiyo
Kuwaad dihatay een dhalay, Sidaad ugu dadaashiyo
Sidaad noogu diran tahay
Ma wax dunida yaaloo Lagu doorsan baa jira? X2

PAGE-KA 2AAD

Daruuraha ku hoodhiyo, Naqa buurta Daalaay,
Ama daraaya moosiyo, Daa’uus la moodyeey,
Dabiibkii naftaydaay, Diirimaadkii laabtaay,
Dugsi lagu hirtaay, Gobanimo dir soociyo,
Dun xariir u dhalataay, x2

Darajadaa haweenkaay, Hal doorkii asluubtaay,
Da’daa waxaad u sidataa, Dhaqankiyo dadnimadoo,
Waxaad dumarka dheertahay, Dabacsanida hadalkiyo,
Deganaanta weeyee, X2

Mahdiyaay ku doortee, Jacaylkaagu waa deeq
Mahdiyaay i deeqdee, Marwo lagu degaa tahay
Mahdiyaay Munaay danteydaay, Da’daad ii xambaartiyo
Kuwaad dihatay een dhalay, Sidaad ugu dadaashiyo
Sidaad noogu diran tahay
Ma wax dunida yaaloo Lagu doorsan baa jira? X2

Exit mobile version