1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
oohoohoo mama
oo maama oo maamaye maamaye
adoo qurux muuq dhalaale
dhexdaada markaan ku beermay
mama ee maama
muxuu dhabankaagu hoolmay
dhamaan wajigaagu yeeshay
maxaad hooyooy dhibtootay
maxaad dhadhamada ka soontay
jal iyo dheef qaadan wayday
muxuu isu dhagay bogaagu
candhuufta maxaad dhashsiisay
muxuu dhabarkaagu liicay
culays la dhaqaaqi wayday
muxuu dhuuxaagu hooray
dhaxadiidka maxaad u jiiftay
maxaad hooyooy dhibtootay
maxaad dhooldhoolin heeso
dhamaw aad iigu qaaday
mama oo maamaa
maxaad tidhi dhiiranow
dhiigiisa ka fiicanow waa
horwayn dhalay loolisow waa
maxaad iga dhawrtay baahi
ood korsiina ii dhamaysay
si aan qayrkay u dhaafo
dhalaankana uga koreeyo
maryaha kiisi dhalaal le
dushayda maxaad ku dhoobtay
markay ajashaa dhamaato
ILAAHAY kuma dhantaalo
jidhkaaga ka dhawr cadaabta
dhuxulo iyo naar ma saaro
dhismaha janadii fardawsa
ILAAH kugu dheelmi hooyo
DAAHA NABIGII udgoone
ALLAHU MASALI WASALIM WABAARIK CALAYH
ILAAHAY ILAAH dhiniciis ku jooji
hooyo hooy hoooyoooo