ma ladoo maansada kalgacal
maankiu halkuu qabsaday
badiyo mawjad baan dhex galay
sidaan ahay ruux maraan
indhuhu miigmeen dartaa
u muhay meeshaad jirtee
mabsuud baan kugu noqdeee
masuul maad iga noqon
cawaaloow cawo dhaladoow
caashaqa mulkiya

ma lado maasada kalgacal
minaamku xaguu qabsaday
jacaylku mir dhexe ku dagay
muuqaal qurux hadal macaan
masuul tii looga dhigaay
naf iyo maankaa murmoo
mashquul kaligay noqdee
midaan ku nagaan lahaa
ayaaneey taleexeey
saw maadan noqon

ma lado maasada kalgacal
maanta iigu daran
maraba kama maarmayee
midkaan dadka ugu jeclaa
hadmaan marwadiisa noqon
u muhay meeshaad jirtee
maqsuud baan kugu noqdee
masuul maad iiga noqon
cawaaloow cawo dhaladoow
caashaqa mulkiya

haween waa meel la joog
muhiim noloshay u yihiin
marna waa lama huraan
madheedh ubax ii korshiiyo
milgaha taan ku faano noqo
naf iyo maankaa murmoo
mashquul kaligay noqdee
midaan ku nagaani lahaa
ayaaneey taleexeey
saw maadan noqon

Exit mobile version