naftayda intaad kabtay
oo aad niyadii dhistay
nalkeedana aaad shiday
ayaad nasabeey baxday

naxariista intaad bartay
qalbigii nasiyaa xashay
nuglaanta waxad baday
markaad noqoteed tagtay

nageeyaay nageeyaay naftaad tustay
nolol dahabood xushay
tiirkii farxadana nugayl
inuu naawilaad fartay
wadnahan xiisahaagu nabay

naftayda markaan faqnay
nashaaday intay dhibtay
cidlada gurigoon nacay
ayaa noloshaba karhay

nabaadka gugii biqlay
naqiisa abaar jaratay
ayuu nabarkaa damqay
qalbiga ku noqdoo murgay

intii an badqabaaye
hawshiisu igu badan
ha u baran lahaayaha
ha u bacain lahaayaha
imikoon bastoo ahay
baroor wax ma ii qaban

Exit mobile version