Awale
Rugta noloshu waa guure
Rugta noloshu waa guure
Raxma kaalay
Hodan
Riyadeeni wey rumowdee
Rooble kaalay
Awale
Hodamadkoow hayga roorin
Raxmooy kaalay
Hodan
Soo rucleeyo kama raagin
Rooble weykan
Rugta noloshu waa guure
Rugta noloshu waa guure
Rooble kaalay
Awale
Raayadii jaceylkiyoo
Reys iyo ubaadeey
Rucubtii kalgacalkiyo
Riixaan udkooneey
Nafta raaxadeydaay
Rajadaan sugaayaay
Hodan
Ubax roobku meyriyo
Raamaad iyo dhul doogloo
Rugtan canabka laamaha
Rooxaduu ku maran tahay
Sida loogu reeyaay
Anba kuu riyaaqaa
Awale
Dhaayaha u rooneey
Intii lagu rakibayeey
Maankeygu raacaay
Hodan
Alleey lehe sidaan rabay
Rabbi ima diidine Raggaa
wey ragga kaan ka doortoow
Awale
Rugta noloshu waa guure
Rugta noloshu waa guure
Raxma kaalay
Hodan
Riyadeeni wey rumowdee
Rooble kaalay
Awale
Hodamadkoow hayga roorin
Raxmooy kaalay
Hodan
Soo rucleeyo kama raagin
Rooble weykan
Rugta noloshu waa guure
Rugta noloshu waa guure
Rooble kaalay
Awale
Ruman beer ku yaaliyo
Cambe leyga raacaay
Rug barwaaqo taalloo
Lagu baahi reebaay
Raaligii ideeqdiyo
Reerka haybadiisaay
Hodan
Rubadiyo halbowlaha
Rabbi kuu ku beeroo
Rajadaan sugaaye alley rumeeyoo
Rixim iyo xigaal iyo
Nin reydi doortoow
Awale
Dhaayaha u rooneey
Intii lagu rakibayeey
Maankeygu raacaay
Hodan
Alleey lehe sidaan rabay
Rabbi ima diidine Raggaa
wey ragga kaan ka doortoow
Awale
Rugta noloshu waa guure
Rugta noloshu waa guure
Raxma kaalay
Hodan
Riyadeeni wey rumowdee
Rooble kaalay
Awale
Hodamadkoow hayga roorin
Raxmooy kaalay
Hodan
Soo rucleeyo kama raagin
Rooble weykan
Rugta noloshu waa guure
Rugta noloshu waa guure
Rooble kaalay

Exit mobile version