waa gayaan is xushoo
haasawe gobeed
farxad ku gorfeeyay
gaakooguna eega
goobta uu ka dhacaayo
gab ka siiya mashxarooda
sacabku yaanu kala gu,in
gayaano unkaaya
guri nabdoon
guurkoogu hagaagay
guulaystee
ayaa loo goleeyay guurkoodee
goortaan maqlayban
farxda godladee
ismahaan gabadh gaariyaa tahay
geesigu calaf kuu geeyaybaa
galada hantoo gaadhay libintee
labaan abid gudhin
labaan gees marin
labo gu,noo
guulaysta noqdoo
guurkiin ha jiro

waa gurbood is hantoo
gar alle kalgacayl
ku gaaxday laabtooda
godolkiisana caawa
haawa doora u qaatay
guurkoogii hagaagee
gurigooda ha raago
gayaan unkaaya
guri nabdoonn
ayaa loo goleeyey guurkoodee
goortaan maqlaybaan
farxad godladee
ismahaan gabadh gaariyaa tahe
geesigu calfku kuugaayaybaa
galada hantoo gaadhay libintii
labaan abid gudhin
labaan gees marin
labaan gu,inoo
samaha guntada
guulaysta noqdoo
guurkiin ha jiro

Exit mobile version