jigjigaay dhulkaygaay
dhagax buur shiniiliyo
qalbi dahartaan dhiigiyo
dhalashada wadaagnaay

dhanbaalkaad ku leedihiin
dhiganaha xusuusaha
waa dheeman iyo luul
waa dhiidhi iyo guul
waa nolol dhamaystiran
waa dhimasho gobonimo

wiil dhiiranoo diran
gaari dhaafta oo bilan
iyo xoolo dhaqashaba
deegaan ku dhaatoo
dhuuxiyo lafbaad tihiin

sow dhaantayahan iyo
suugaanta maad dhalin
dhana sow hargaysiyo
dhulsantii jabuutiyo
xamar sow lamaad dhalan

Exit mobile version