yartaan tabayeey
u taahaayaay
yartii wadnahayga taalay
adaa qalbigayga taabte
miyaan tirsada haween kale
hadii boqol kale lasoo tubo
iyada tuuroo mid kale taabo
tu kale soo xulo tidhaahdaan
miyaan ka tagaa niyada ka tiraa
miyaan toban ruux tiriig u dhigaa
dadkay timo dheer qofuun la tahee
aniga tamar iyo tiriig la shitiyo
tufkii culimiyo daway ii tahoo
taswiirteedaan todoba ku qadaa

yartaan tahligiyo kashaba ku tolaay
yartii beerkayga toobtaay
naftayda adaa taxliil u noqdee
miyay tu kaleba talada ku jirtaa
fanaan hadaad isoo ag tubtaan
abwaano heeso so tiriyaan
tubeec cigaali iyo
tahliil keentaan
cod toolmoon iyo
qaraami tuntaan
tafoofta jacayl
miyay tirayaan
dadkay timo dheer
qofuun la tahee
aniga tamar iiyo
tiriig la shitiyo
taufkii culimiyo
daway ii tahoo
taswiirteedaan
todoba ku qadaa

Exit mobile version