kuma koobi karo tiree
hadaan taabto quruxdaada

Todobkoo darooroo
arlada tiixu wada gaadhey
geeduhu taraareen
nimcadu tog waliba buuxdo
tafiirtii suleekhaan
marwooy kugu tilmaamaa

Wuu taaba galayaa
kalgacal loo shin tiriyaaye

Tusmo ila wadaag aaminaay
waan ku tabayaayee

Asluub loogu taliyey
hadaan taxo amaantaada

Tagsaniyo waxad tahay
hablaha heer la tiigsado

Caqli taamahoo qaba
xishood lagu tidcaad tahey
tayadii suleekhoo
wakhtigan taagan baa tahaye
jaceyl daacad tiirsadey
ayaan abid tasoobine

tusmo ila wadaag aaminaay
waan ku tabayaaye

Exit mobile version