ay hooyaalaye hoo ay hooyalaaye hoo

labaani qaadirku isku qoray
labadani qalinku isku dhacay
ceeleeye iyo iimaan allaylehe way isu qalmaan
waa labo qiimo badan
arooskoodu waa qaran
aqal qalkoodana qaraabo iyo ehel
loo wada qushuuc

ay hooyaale hoo hoyale hooyaale hoo

sharaf lagu qotamiyeey
iimaan waa qalanjoo
waa gabadh qurxoon

ay hooyaale hooy hooyaale hooy

geesi qawloo
sharaf loo qiraa
qayrked hablaha
qunyar uga xushee
u garaaca sacab
ubaxana u quba

ay hooyaale hooy hoyaale hooy hoyaale

Exit mobile version