VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Xabiibi kaalay mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Awaale Aden
Xabiibi kaalay

Ii kaalay I kolkooli
Ii kaalay I kolkooli

Kaabay garabkaygaay
Kun jeer noloshaydaay
Karaamo I saaraay
I Kaamila xiiseey
2x
Anoo kaligay ah
Kacaa kufay jooga
Ii kiishay nacabkaygu
Korkayga qaboojaa
2x
Kaalinbaad Ii gashee Xabiibi kaalay
Kuwii noloshaydee Xabiibi kaalay
Kaalinbaad Ii gashee Xabiibi kaalay
Kuwii noloshaydee Xabiibi kaalay
Kugu koobayee kaalay
Kugu raysteyee kaalay
Kugu koobayee kaalay
Kugu raysteyee kaalay
2x
Kalmadaha macaan
Waan kuu sii xulaa
Oo midhaha caashaq
Waan kuu sii guraa
2x
Ii sheeg kuwii necbaa kulanka labadeena
Ee ku hawlanaa kala gaynteena
Ii sheeg kuwii necbaa kulanka labadeena
Ee ku hawlanaa kala gaynteena
Ma kacaa kufeen maanta
Ciil ma kawsadeen maanta
Farxadaan Kifaaxayno
Ma ka ooyayaan maanta

Kalmadaha macaan
Waan kuu sii xulaa
Oo midhaha caashaq
Waan kuu sii guraa
2x
Kaabay garabkaygaay
Kun jeer noloshaydaay
Karaamo I saaraay
Koolkooliya xiiseey
2x

codkii Awaale Aden