Caasimad mug weynooo
miisankeedu culusyahay
meel wacan ku taaloo
muuqeedu dheeryahay
madaxii dalkeeniyo
murayadiisi ba tahay
xamar kama maarmoo
muruqa ku faaniyo
garabkeygi midigaay

meel bey bugte Muqdisho
mowlan barye Muqdisho
magacagi dheeraa
Muqdishooy mar soo celi

marinkii dalxiiske
ee jaziira loo maro
jubba milicsigeeda iyo
musigi curuba iyo
marinkii afgooyee
canbaha iyo mooskii
meel kasta yiilaan
ku mashquulsanahayoo
wali aan ku maqanahay
meel bey bugte Muqdisho
mowlan barye Muqdisho
magacagi dheeraa
Muqdishooy mar soo celi

Exit mobile version