VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xayaat - Lyrics

cirko xaabxaab daruur xidhxidhan dhirtoo xararkiyo xayaabo lehee xabiib iyo dookh midaan xasladee xad dhaaf iyo door xaqiiq u jeclahee xushee garashad xulkii dumarkaay gobkoo xididada xareed ku mmutaay doogoo xarfashada xagaayo lushaay xasuus xurma loon niyada ku xardhaay xabuub canbalaay xabada canabkaay rumaan xidh noqdiyo midhaha xabxabkaay cirkiyo xidigaha galool xasladaay xaqiiq aabaa xikmada ku baree xurmooy hooyaa xilkaaga tirtoo xaqdhawr iyo samo xil iyo sharafbaad xayaad huwantahoo ku xaragootaa gamaan xuladoo xakamo aragoo xawaare dagaal xaaraan galino xariir hucubo lee shalmada xidhanoo xanaan loo qabaa xarago ka mudhoo xadkii quruxdaad xagaa ka jirtaa xidhmo hobhobiyoo xasiid curdinaay xishood iy dhaqan midii uu xidhaay darmaan xooshoo hidaha xidhataay dhabeel xilkasaay xulkii dumarkaay rumaan xidh noqdiyo midhaha xabxabkaay cirkiyo xidigaha galool xasladaay
Queue is empty
-- / --