Xigtooy kalgacaylka
Xidkayga hogaanshay
Inaan ka xoroobo
Xaashee ma awoodo

Xubigaaga xis ku taama
Si xad dhaafa ugu xiisay
Ood xujaysaybaa xusaaya

Qalbi xaadhan kuu xariira
Oo xabiibii xaqiiq kaaga
La xidhiidhsan ku xidhiidhsan
xukun maanka

Wadnaha xadayoo
Xididka raacdayoo
Dhiiga xushaye noqo xilahay

Intaa aynu xabiibi
Xamuul isu raaci
Xurmooy noloshaydu
Xisaab dhiman weeye

Naf xagaaga xigsanaysa
Xilna saaray jacayl xoogle
Baan xabiibi xajin waayay

Kal xusuusta xadantaysa
Ka xoroobinbaa xayaatii
Xigtooy awgaa xakamaysan

Exit mobile version