Rajiga lagu xidhay rajiga
raadkii kana horuu hayaa
rabaa ina siiyay ubad
adiga kaa raacay dhaqan
uruxna ramad soo bixiyo
rucubta midhahaad tehee

waxaad tahay roob la dhaca
indhaha raaxaad u tahay
rafiina xiskaad u tahay
naftaa ku rabtee miyaan
cidkale kaa raacayaa

runbaan xubi kuu jeclahay
oo rajaan xubi kaa abaa
raxmada qalbiaad tehee
rayn rayn ifka iigu waar

waxaan rabi kugu galadin
rucliyo orod laguma helo
raguna guul mahantiyee
hadaan riixayn dumar
naftaa kugu raysatoo
rasmaan adi kuugu dagay

marwaad tahay raaliya
reerkeena seesbad u tahay
qalbigu tuu raadiyaay
hadaan kaa jiro rug dheer
riyaan kugu weheshadaa

runbaan xubi kuu jecelehe
oo rajaan xubi kaa qabaa
raxmada qalbigaad tehee
rayn rayn ifka iigu waar
by masuul.com lyrics

Exit mobile version