noolahaa aduunkoo
niyad sami ku jooga
nasiibkii iskeen baray
nimco EEBE weeyee
neecowda caashaqa
naxariis u yeelo

nidar ruuxii qaadaa
nabarada ka dhawree
naf ku jeccel ogsoonow
nabadayntu waa u sade

naruuriyo waxaad tahay
nasteexiyo doog
noocaaga maan arag
nafar walba naqii uu
naawilay haduu helin
noloshiisu nuur male

Exit mobile version