nafyahay guhaadkiyo
gocoshiyo ciil
waxba kuuma goysee
aniga ha ii gunuunicine
xumana maad gaysane
nabsi maanad galinee
waxaa sida tan kuu galay
oo ku gaasiray bal ii sheg
cishqi aan gargaariyo
cidi ku garaabayn
miyaa gasiinkiyo
kuu diiday gam,oo
wali jirdhkaagii gubayaa
godkii aakhiriyo
intaan iilka lagu gayn
hayaan dumar midnaba
gacal yaanay kula noqon

hadii gacaladaadiyo
gabadhaad jeclaatay
mid kaleeto guursaday
waxa illa gudboon ani
inaad dawga garataa
hawlahaaga guudiyo
danahaaga gaarka ah
ha u gabin daraadeed
kol ay tahay gardara iyo
godob aad ilaawayn
miyaad gurmadiyo
inay gacan ku siisiyo
garab aad ka filaysaa
godkii aakhiriyo
intaan iilka lagu gayn
hayaan dumar midnaba
gacal yaanay kula noqon

Exit mobile version