kuligood hablahoo idil
koonka jooga kali
taan ka doorataye

adigaan ku dooratee
ku karaamo saarte
kalgacaylka ila qabo

dhamays dumark kaalay
dhuubanay kaalay
dhexyaray kaalay
dhalaalbadan kaalay

dhayo uuru kaalay
dhaqansanay kaalay
dhidibsanay kaalay
dhal gobeed kaalay
dheemanay kaalay
dhowrsaney kaalay

naftan kugu koolsanba
kaliga ku eegatay
aday kugu kalsoontahee
ka ilaali hadimo

kulankeeni hore
kaftanka iyo sheekadii
kalmadihii macaanaa
ayoo ayeh

kaama maarme
kun jeer wan ku tabaa

Exit mobile version