VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maryaneey adna - Lyrics

Inoo jacaylku malag yahay ama uu mid sugan yahay Midaan cidi arkayn yahay, murug yahay ma moogtahay?? Maalinbaa Cilmiba Hodan Naftu loogu meershoo Cantar loo maqiiqayee Cabla lagu musmaarayee Markaas Layla iyo Qays Muxibada udilay baa Mataanaha igala jaray Maryaneey adna Meel xun ha idhigin Ha ila maagin murugada Yaa mutaysan iilkoo Midigtaada iga qabo Inoo jacaylku midi yahay Miishaar ka adagyahay Mashiinada calooshiyo Mudka galo ma moogtahay?? Maryaneey waxaan ahay Nin jacayl Maxbuusay musmaaradiisa lagu muday mawjadii dharbaaxday Heerkaan maraayoo marada iyo hurdaba Masas layga yeelay Maryaneey adna Meel xun ha idhigin Ha ila maagin murugada Yaa mutaysan iilkoo Midigtaada iga qabo
Queue is empty
-- / --