VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Maryaneey adna mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Aweys gulaangul
Maryaneey adna

Inoo jacaylku malag yahay
ama uu mid sugan yahay
Midaan cidi arkayn yahay,
murug yahay ma moogtahay??

Maalinbaa Cilmiba Hodan
Naftu loogu meershoo
Cantar loo maqiiqayee
Cabla lagu musmaarayee
Markaas Layla iyo Qays
Muxibada udilay baa
Mataanaha igala jaray

Maryaneey adna
Meel xun ha idhigin
Ha ila maagin murugada
Yaa mutaysan iilkoo
Midigtaada iga qabo

Inoo jacaylku midi yahay
Miishaar ka adagyahay
Mashiinada calooshiyo
Mudka galo ma moogtahay??

Maryaneey waxaan ahay
Nin jacayl Maxbuusay
musmaaradiisa lagu muday
mawjadii dharbaaxday
Heerkaan maraayoo
marada iyo hurdaba
Masas layga yeelay

Maryaneey adna
Meel xun ha idhigin
Ha ila maagin murugada
Yaa mutaysan iilkoo
Midigtaada iga qabo

codkii Aweys gulaangul