qalbiga ku daawacan
ludaha iyo laabte
hadaan diido ruux kale
inuu dadka yahee garo

adigoon dareen qabin
hadba la igu kaa daro

duufan ku qaadiyo
waa sahal dabayluhu
ayaan daadku kula tagi
waan daalay ha ii darnaan

nabardoogaha qolof sii
dhaqdayee xanuunkaba
waxa iiga sii daran
anigoon dareen qabin
hadii la inala kala dilo

duufan ku qaadiyo
waa sahal dabayluhu
ayaan daadku kula tagi
waan daalay ha ii darnaan

waxii adiga kuu daran
ninka ay damqaysee
hadalkoo i deeqsi
raadku raan ma lahayaa
isagoon dareen qabin
hadii la igu kaa diro
duufan ku qaadiyo
waa sahal dabayluhu
ayaan daadku kula tagi
waan daalay ha ii darnaan

Exit mobile version