indhahayga baalkiyo
buluug daan ku ayi
sambabkayga bilan baa
badhtankiisa ku galin lahaa
ahay dhagaha maqalkaan
rakaab kugu bari lahaa
waxaan beeri lahaa ubax
soo bixiyay caashaqa
habeenkii bogaygan
iigu bari ku odhan lahaa
sabaaxda horebaan
bilaneey ku odhan lahaa
bildhaantaada aragaan
bilkhayr ku odhan lahaa
ilaah waxaan baryayaa
aduunyadan badhaadhiyo
barkhad ku waarto
akhirana baraariyo
janadaa ku baridaa

naftu doqo sanaa
damac waalana
waxay doonto
beri ku diiri ogaa
durba celin ogaa
labada isdardaray
dadka dhibi ogaa
labadoo is dardaray
dadka dhibi ogaaayee

Exit mobile version