Mid Naftayda miratoo
Qalbigan ku milantoo
Oo maan la moodaa

Meeshii aan marayba
ii muuqaneesoo
Aan kamaarmi waayaay
Igu maa xaaneeseee

Mahuraankii nolashaa
Ma dhaafaankii dumarkiyo
Marwadii kalgacalkaay
Maankayga deeqdaay

Mar waxaan iraahdaa
Waa mid xuuralcaynoo
Marna waxaan iraahdaa
Ifka tani ma jooginee
Muleeqa markale timid

Mawlaha ilaahay
Maamulaaya aduunyada
adna Kugu maray qurux
Anna Malab dushaadiyo
Macdan igu kaa waran

Midibkaaga nuurka leh
Maariinka dheeha leh
Maaraha xubnahaiyo
Marmarka iyo canbaaryaha

Mar waxaan ku moodaa
Hablahii makaadiyo
Marna waxaan ku moodaa
Mayqaaaso roobaad
Ka dhaxmuuqaneesaa

Mawlaha ilaahay
Maamulaaya aduunyada
adna Kugu maray qurux
Anna Malab dushaadiyo
Macdan igu kaa waran

Exit mobile version