dhibic hooray dayrtiyoo
subax dhool da'aayaay
dareemada dhamaantood
nagu daara damisaay

idil dhamaantaydii
yartii dhaqashadeediyo
farxad aan dhamaanayn
qalbigay ku dhalisaay

dhafrayoo habeenkii
waanigan la dhuubtee
naf ka dheer nafteedii
dhayal kuma gam'aysee

dhamayseey la'aantaa
adin maan dhaqaajeen
dheeftigiyo anfaaciga
dhinacood ma eegeen

ma ogtahay dhugtaadiyo
idil dhaawacaaguba
bu'da dhaayahaygay
inay dheeligay tahay

Exit mobile version