dookhaygaa cajiiboo adoo ruuxii ku dayaa
kaa jeesan daymada ayuunbaan dareenkiyo
damac iga kaa galin
naftu diiqad mooyee kugu diirsan waydoo
dar alle imaad qancin
kun jir niyada kaa dilay kaala diriray dhaayaha
kuna duray odhaah kulul adna dayday mooyee
ma is tidhaahdid diga rogo
ha dii aad idayn lahayd ducaan kuugu dari lahaa
dabcigaygaa yaabloo dabeecadaadan dadnimo
u bogeen dadkoo idil ayaa la igu kaa diroo
qalbigaan ku dayrshay
hore kuuma doonayn dibna kuuma raadshoo
ha ku deeqdo kuma rabee

Exit mobile version