Intaan xulashada ku jirey
Xiliga dhookhiyo hablaha
Xariirtii ideeqdayeey
Xigtoy kalgaceyka hano

Xidigtii aan raadin jirey
Xaqiiq adigaa noqdee
Xidhiidhka dhexdeena hay

Adaa xawiley xiskiyo
Xamday qalbigad degtee
Xushmee laab ku xayiran

Anoo xogta caashaq qaba
Wuxuu cilmi qorey xasuus
Ayey xubin kugu lamaan
Xagaaga ii jiideysaa

Dookhaygu miduu xigsado
Xurmiyo ii noqoto xaas
Xalkii adiguu noqdee
Xidhiidhka dhexdeena hay

Adaa xawiley xiskiyo
Xamday qalbigad degtee
Xushmee laab ku xayiran

Exit mobile version