adaan deeqoow ifkiyo
aduunyada kuu jecloo
dabeecad wanaagsan iyo
dadnimaad igu jiidatee

dayrtaynu barbaarnayiyo
da dan aynu maanta joognaba
dabnahaan kaala baqayoo
dushaan kaa eegan jiray

dib u soo noq noqotayee
daranidaa jacaylyohow
duugoobi waydee

adaan duhur iyo habeen
dartaa u hiloobayoo
dareemaha jidhkiyo
wadnaha darisbaad la tehee

naftan dookhiyo cishqigu
dabaylaha raaciyee
danteedii ka laalantee
daacadnimo ku gaadhsii

Exit mobile version