waa yihiiyo kalgacalkaa
isu kay wakiishoo
iga waab samaystee
adna war iima hayide
jacalkii wareemaa
igu mudan sidii waran

aragaaga wiilyohow
naftii weheshan lahayd
wagii gaduutaba
waxay eegto waa adi

wareegtada aduunkiyo
wakhtiga is badalayaa
ana weedhan igu xidhay
adna waalalowgiyo
waa fiirintaada
wakhtigeeni lumiyee

Exit mobile version