jaleecadaan ku eegaa
jidhku ii qaboobaa
jawharad la moodyow
siduu jeexba ii dagay

jiro igu abuuryoo
adaan kuu jirabane
kaama jeesan karayee
naxariista jamashada
naf u jeelan soo eeg

ma joogo ma jiifsado
jidiin daayay awgaa

qalbi kuu janjeedhoo
aad u tahay janiyo udug
jawaabtiisa aan helo

jaah wareerka caashaqaa
jilbo xidhay naftaydoo
jooge maqan sidaan ahay
adba waad u jeedaa

jeedaaladaada
qalbi jiitay hanatoo
jiro waxay i dayn lahayd
adoo ila jiroo abid
jaar aynu noqonee

Exit mobile version