dalkaygii iyo dadkaygii
deegaan udgoonkii
salaan baan u diryaa
intaan kal diboonee
runtii waan damqanayaa
dulmigiyo dhibaatada
kumaanan daynee
waxaan ku dadaalayaa
ama u dagaalamayaa
difaacaaga weeyee
deeq allaa baxshee
waxaan doonayaa
isku duubniyo
dawlad inaan helnee
saw ma tihid diyaar

duunyadeena geeliyo
sidii darartii maandeeq
adhiguna durduurtoo
lo,du dararsan tahay
runtii waan dareemaa
dabiiciga dhulkeeniyo
khayraadka dihanee
waxaan bulshooy doonayaa
ama ka dacwoonayaa
dulmigaa i haystee
deeq allaa baxshee
waxaan doonayaa
isku duubniyo
dawlad inaan helnee
saw ma tihid diyaar

Exit mobile version