sinjiga gob soomaali baan ahaye
samaanta ninkii ka saahiday
sanku neefle igama sarayn karnee

sumaca tigree siuu uu rabiyo
suntiyo dabinada sirtaan garanoo
sifaystay anba seefahaygiyo

sagaashan gu, iyo siyaadan ka laahay
surgooyo dagaal saf loo galiyo
saleel anuu waan ka saahidaye

siyaasad markay sagsag noqotaba
kacaan saldhigaa sii wadee
ha sugo rabitaanku suu yahaye

siqiir kacay iyo sideetan jirkuba
ha hiigsado gobonimo sal loo dhigaye
safkiyo sacabkiyo sanqadha bixi waa
sumacda sanad guuradeeniiyee
waa oogose shan iyo tobankeedaay
soo dawooweey
safka joogee farxad kugu salane
soo dhawoowee
taan sugaynaay saldhigii calankeenaay
soo dhawooweey
waa samaanee siyaad iyo gurey ah
soo dhawooweeey

Exit mobile version