gabadh ugub ayaan ahay
reer goba ka dhalatoo
ku barbaartay goob wacan
iyo guri barwaaqa ah
garaad nimaan lahaynoo
guna qaatay baa tahay
gasiin uu lahayn cunay
oo galay wadkiisee

waxaa tahay nin gacalkiyo
ehelkii gumaaoo
meel uu aado garanayn
indho go,an ayaa tahay
garaad nimaan lahayno
goob xun yala baa tahay
oo aan loo garaabayn
is gulaalay baa tahay
sheekadaba gunteedii
aan gabagabeeyee
kuwa timaha gaydhiyo
geesiyaasha mooyee
ima geyo adoo kale

Exit mobile version