naftii dhaayeheedu uun
xagaaga dhuganayeen
dharaaraha tirinaysee

hadii aanada dhawrinoo
dhankaaga u heelanaan
dhaawacbay mudanaysa

dhanbaalka soo diroo
dhinacaad inoo wado
dhagtu ha maqashee
adigu ii dhiib warkii

jacaylkii dhiirana
dhabada soo qaadayee
adiga kugu dhaygagnaa

hadii aanad dhibaadinino
qalbiga aanad dhayin ilayn
dhursuga wuu diidayaa

Exit mobile version