marbaad dahab iyo xariir
dushaada ku qaadataayoo
dagtiyo baalaha sudhaa

sidaa daa'uuska tahay
xaraga lagu daawada
marbaa dalag iyo biyaba
marbaa diif iyo darxumo
siday daris kula yihiin
dushaada ka muuqataa

dantiyo waayahoo ku gabay
adigaa doqon kaa dhigaa
aduun waa doorba dooreey
waqtigu waa is daba markaase
dariiqada EEBE raacoo
dulqaado naftaydaneey

marbaad door roone tahay
doodiisiyo sheekada
marnaba cidi diidi karin
sidaad tahay wali da' wayn
weedhaada la daabacaa
marbaa dalag iyo biyaba
marbaa diif iyo darxumo
siday daris kula yihiin
dushaada ka muuqataa

dadkaba kaad ugu necbayd
waayuhu ku dul joojiyaa

Exit mobile version