kashaada wixii daweeya
ayaa taydana dabiiba
erayga laabtaada deeqa
ayaa taydana diroo
dad wada jirabaan nehee
is waaga hadaad dan mooday
anoon rabin diiqadaada
anoon doonayn dhibkaaga
naftaydan laba diblayn
samirna dabar uga dhigiye
anoo ku jecel ku daayay
dookheeda naftaad ahayd
jacayl daacad aawadeed
markuu dabray caashaqaagu
hadaad dabaq sare ka fuushay
duciyo samirbay dan mooday