VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Laaska caashaqa - Lyrics

dadkoo waday lignaaday lurtii caashaqa ladaabtay lix ilaa lix lamadooday sidii la ii helay liciifay awood li'i gees u liicay hadaan labka kaa dhex eegtay kaliyo laab kuu jeclaaday lilaahi xogtii ku siiyay inaan liitana ogaatay laxawga ka baaji maanka ha leexane ii fur laabta ha liidine laaska caashaqa ila durduuro liibaanow labiyo toban kaa horeeyay dhibta labanlaabna sheegtay dhamaantood waan ku laaday jacaylkana waaban laalay gayaan taan u laab furnaaday siday anba ii lug goysay siday ladhka iila doontay siday laxaw iigu beertay haween iyo lahashadooda lubiga waataan ka gooyay hasoo lalinoo ha laacin nimaan soo laabanayne lamaane ka raadso uunka
Queue is empty
-- / --