VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Boqol Kaamil - Lyrics

Anigoo bukaan qaba Oon baabka cashaqa Wali gali badiisee Kuwa aad la joogiyo Baliyadii sanaagiyo Burco dacaladeedee Anigoo bukaan qaba Oon baabka cashaqa Wali gali badiisee Baladweyne joogiyo Jigjigii baydhabood iyo Beerihii banaadir Barqo goor la joogoo Bacadkiyo kulaylaha Baxsaboow kumaan arag Barqo goor la joogoo Bacadkiyo kulaylaha Baxsaboow kumaan arag Boholyoowga aan qabo Wadnahaa i babanayee I baxnaanin maysaan Boholyoowga aan qabo Wadnahaa i babanayee I baxnaanin maysaan Boqol kaamil weeyaan Basar iyo akhlaaqiyo Dhaqan lagu barbaarshoo Dhul barwaaqo joogi Beerihii jamaamiyo Balcadiyo kismaayoo 2× Miyaan la igu baabiin Beerkiyo halbawlaha Boga soo maad dagin Miyaan la igu baabiin Beerkiyo halbawlaha Boga soo maad dagin Boodhari sidiisii Booraan intuu igu riday Ma iga bixin karaysaa Boodhari sidiisii Booraan intuu igu riday Ma iga bixin karaysaa
Queue is empty
-- / --