rag waxaanad amaanta
marka ay aqoontiyo
asluubtii ku dedeen

indheer waxa tahay
aan il lahaynoo
aragtida cajabiyee

ogaalkay mid kula mida
hadaan dhabarka aabiyo
uur lagu hayn
ifkaa laguma sheegine

urursha xubnaha iyo
inta dhiiga qaadiyo
wadnaha u adeegta
iskaa raacshay adigo
ilmo joojin waaye

ma adkaysto aadmigu
arimada jacaylkee
haday uurka gaadhe

udug iyo ilaysiyo
ubax aanan kala hadhin
ayaad iila siman tahe

ogaalkay mid kula mida
hadaan dhabarka aabiyo
uur lagu hayn
ifkaa laguma sheegine

urursha xubnaha iyo
inta dhiiga qaadiyo
wadnaha u adeegta
iskaa raacshay adigo
ilmo joojin waaye

Exit mobile version