sida meel ugbaadloo
dhirtu wada magooshiyo
maanku ku raystaa
muuqaagu ii yahay

anoo kugu maqnaayoo
qabay muxibadaadaan
miciin kaa filaayoo
adiga kaa filaayee

mudo inaan samraayay
waa marag ma doontee
waxaad maagantahay sheeg

siduu yahay mahiigaan
mawjado hirdamayoo
mudanow jacaylkii
xiskaygii ku maadee

mareegada wadnaha iyo
maydaanta halistuu
micidii halashee

Exit mobile version