saqda dhexe habeenkii
sodon jeer qiyaastii
sariirtaan ka toosaa

qalbigoo socdaaliyo
u sahan tagay dhankaagan
soo noqo ku leeyay

ALLAHAYOW i samo bixi
waxa i sida jacayloo
sida sabi dhalaanaan
laabta kugu siday

sumadaada gaarkiyo
sanqaroorka kugu yaal
saygii xalaashow

sawtkaaga oo qudha
qalbigaba siraadshee
sideen kuu ilaawaa

Exit mobile version