Inanka araga ka doortee
Qalbiga igu deeqoo
Anoon doonaayee
Runtii dookhayga tahay

Daadihiyoo jacaylka
Daryeeloo ha daalin
Danteenaa ka weynoo
Isku duubnideena
Dadkaa qaar dhibsanayaan

Yaan la igu kaa dirin
Dariska xumaanteen noqon
Qof dumara yaano
Daal iyo diif dareento
Dulqaad ii muujiyo
Qof ducaysan ii noqo

Dibnahaaga hadalka
Jidhkaygii dubaaxshoo
Qalbigaa dareegoo
Walee kaan ku daga tahay

Daadihiyoo jacaylka
Daryeeloo ha daalin
Danteenaa ka weynoo
Isku duubnideena
Dadkaa qaar dhibsanayaan

Yaan la igu kaa dirin
Dariska xumaanteen noqon
Qof dumara yaano
Daal iyo diif dareento
Dulqaad ii muujiyo
Qof ducaysan ii noqo

Exit mobile version