ma ogayn galgacal
inbada igu midnaayoo
aan malayn karayn
goortuu imiray
hadii laygu mudo

mar hadaan wadnaha
magan kaaga dhigay
maskaxdu haygadtee
mataan igu noqo
meel dheer hayga tagin

maan kiyo qalbiga
marna kama maqnaatide
ubax midab qurxoon
ishu milic sataa
macaan iitehee

mar hadaan naftani
kaa maarmi karin
midkii lagu nastee
muxibada gal gacal
mulkiyay ma noqon

Exit mobile version